U bood dhigaalka

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Qarax Ka Dhacay Xero Nacnac iyo Goobo Kale oo Qaraxyo Laga Maqlay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax ka dhacay xero Nacnac ee degmada Wadajir, kadib markii uu ruux isku soo xiray walxaha qarxa, gaar ahaan Jaakad, kaas  oo isku qarxiyay irida hore ee laga galo sida ay sheegayaan wararka soo baxaya ee ku aadan qaraxa caawa ka dhacay xerada.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu geystay khasaare kale duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka hoose ee la helayo ay sheegayaan in dadka wax ku noqday qaraxa caawa ka dhacay ay gaarayaan 15 ruux oo shacab iyo isugu jiro ciidankii ku sugnaa xerada qaraxa lagu weeraray.

Wararka waxaa ay sheegayaan in qaraxyo kale laga maqlay caasimadda,kuwaas oo ka dhacay goobo ay joogaan ciidanka dowladda, Xerada Turkisom ayaa waxaa la sheegayaa in qarax lagu weraray, kaas oo ah qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, lamana oga qasaaraha.

Qarax kale ayaa waxaa la sheegayaa inuu sidoo kale ka dhacay meel u dhow koontaroolka Sayidka ee degmada Howlwadaag, kalaas oo ay degan yihiin ciidanka dowladda, qaraxaas ayaa ahaa Bom laga tuuray gacanta sida ay wararku sheegayaan laga helayo goobta.

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale caawa waxaa laga soo warinayaa inuu ka dhacay qarax ahaa Bom gacmeed, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay maadaama ay xilli habeen ah tahay xilliga ay dhaceen qaraxyadaan kale duwan oo Muqdisho ka dhacay.

Qaraxyadaan caawa ka dhacay caasimadda ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, ciidanka dowladda ayaa maanta qeybo kamid ah Hiiraan kusoo bandhigay meydad ay ku sheegeen Al-shabaab.

Goobjoog News