U bood dhigaalka

Faahfaahinno: Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Lagu Qaaday Baardheere

Sheeko:Amniga

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerer loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu qaaday  guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Ismiidaamin ayaa waxaa la sheeyaa inuu dhaawac kasoo gaaray saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Garaad oo la sheegayo inuu dhaawac soo gaaray iyo Abaandulaha qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Axmed Cabdullaahi Xirsi Labaale.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho ah oo soo gaartay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa guriga la weeraray iyo dad shacab ah, wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhiasho ee dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday degmada.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan taliska 43-aad ee xoogga dalka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, iyagoo durba xiray wadooyinka gala magaalada iyo kuwa ka baxa intaba, waxaana xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere, taas oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday guriga Martida.

Goobjoog News