U bood dhigaalka

Faahfaahino Dheeraad ah oo Laga Helayo Dil Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar kale duwan ayaa waxaa laga helayaa dil ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kadib markii kooxo hubeysay ay si bareer ah u toogteen Haweeney.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Ciise Cabdi, habeenkii xalay , waxaana qofka Dumarka ah ee la dilay magaceeda agu sheegay Shukri Cal Mahad Alle.

Kooxda fulisay dilka haweeneydaan ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana dilka kadib halkaasi gaaray ciidamo ka trsan Booliiska degmada Deyniile oo goobta.

Majiro wax war ah oo kasoo maamulka degmada ee ku aadan dilka ka dhacay degmada, iyadoo haweenayda ay ka tirsaneyd kooxda Tallaalka caruurta sida aan helaybo.

Magaalada caasimadda ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan oo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo lagu beegsado shaqsiyaad dowladda ah iyo dad shacab ah.

Goobjoog News