U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Askar Ka Tirsan Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan.

Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Goobjoog News asakrta la dilay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa qaada canshuurta waxaana la tilmaamay in marka la dilayay ay ku sugnaayeen agagaarka isgoyska Ex-control Afgooye, gaar ahaan wadada aada War-laliska.

Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa fuliyay dilka labadan askari, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay iskaga baxsadeen goobta ay falka ka geysteen.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa soo gaaray goobta iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii falka geystay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu dilay askar ka tirsanayd dowladda federaalka ah.

Inta badan waxaa dilal qorsheysan magaalada Muqdisho loogu geystaa askar iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Farmaajo.

Goobjoog News