U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmuduga yaa waxa ay sheegayaan in maanta magaaladaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan nabadsugidda iyo kuwa mileteriga ee deegaanadaasi ku sugan.

Iska hor imaadkaan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan nabad sugidda ay si xoog ah ku soo galeen goob uu madaxweynaha Galmudug dhagax dhig ka sameynayay islamarkaana ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan mileteriga, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Sida uu soo sheegayo weriyaha Goobjoog News ee deegaanada Galmudug, waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka nabad sugidda, waxaana haatan la soo sheegayaa in xaaladdu ay tahay mid degan.

Ilaa iyo hadda ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalkan Dhuusamareeb ku dhexmaray labadan ciidan.

Goobjoog News