U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xalay degmadaasi lagu dilay guddomiye Laameed ka tirsanaa maamulka degmadaasi waxaaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan.

Dilka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Siigaale ee degmadaasi, waxaana dilka geysatay dabley la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen marka ay falka dilka ah geysteen ka dib.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magaacibi jiray Liibaan Qiyaamo, waxaana la tilmaamay in goobta lagu dilay horay sidoo kale loogu dilay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dilka ka dib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowladda waxa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii falka geystay inkastoo aysan jirin cid baaritaankaasi ay ku soo qabteen.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana wali laamaha amaanka aysan la imaan tallaabo ay arrinkaasi uga baaqsanayaan,

Goobjoog News