U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Taliye Lagu Dhaawacay Boosaaso

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar Jimicihii magaalada Boosaaso loogu geystay Korneyl Cumar warsame Ciise oo ka tirsan taliyayaasha dowlad gobeeleedka Puntland, waxaana la soo warinayaa in taliyaha uu weerarkaasi ku dhaawacmay.

Weerarka oo ay geyteen kooxo ku hubeysanaa Bistoolado, ayaa rasaas ku furay taliyaha saldhiga Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso xilli uu ka soo baxay masjid uu ku dukaday salaadii jimcaha waxa ayna rasaastaasi sababtay in uu ku dhaawacmo Korneyl Cumar Warsame Ciise.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rasaasta ay fureen dableydaasi uu ku dhaawacmay qof rayid ah, waxaana kooxdii falka geysatay u suurta gashay in ay goobta isaga baxsadaan.

Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ayaa soo gaaray goobta u falka ka dhacay waxa ayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan raggi dhaawaca u geystay taliyihii saldhigga Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa si aad ah ugu batay weerada qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado saraakiisha ka tirsan maamulka Puntland, waxaana wali jirin tallaabo la qaaday oo lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Goobjoog News