U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarka Hotel Afriik

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilawday qaraxyo , kaas oo lagu qaaday Hotel Afriik oo ku yaala wadada xiriirisa Airport ka muqdisho iyo isgoosyka Km4.

Xubna hubeeysan oo gudaha hotelka galay ayaa khasaaro kala duwan u geeystay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo ku sugnaa gudaha hotelka.

werarka hotelka lagu qaaday ayas qaatay wax ka badan 4 sacadood ayaa waxa uu dhaawac uu ka soo garay dad kor u dhaafaya 10 qof halka tiro kalena ay ku dhinteen .

Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa gudaha hotelka waxaa ku sugnaa Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo uu soo gaaray khaasaro kala duwan.

Dadka ku dhintay weerarka Hotelka ayaa waxaa ka mid ah General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii ciidama xoogga dalka, sidoo kale Generaal Galaal ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiishi dejisay Dagaalkii 1977 , sidoo kale saraakiisha ku dhimatay weerarkawaxaa qeeyb ma ah Gaashaanle Cali Dhuux Maxamed Bare oo ka tirsan ciidamada Booliiska soomaaliyeed.

Illa iyo hadda ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee werarka welina waxaa gudaha Hotelka laga maqlaya dhawaqa rasaasta.