U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Dad Beeraleey Ah Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaan hoostaga magaalada Baladweyne lagu dilay dad beeraleey ah.

Dadka la dilay oo gaaraya ilaa 6-qof ayaa la sheegay in lagu dilay dhul beereed qiyaastii banaanka ka ah magaalada Baladweyne 20-Km.

Dilka ayaa sidoo kale la sheegay in uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhex galay beela walaalo ah oo wada daga gobalka, kaas oo markii dambe sabab in ay halkaas lagu dilo dadka oo la sheegay in ay xilligaasi ku jireen xiridda baalayaadda cadeedda, Dilka dadkan ayaana dhacay shalay oo Jimca aheyd.

Illa iyo hadda deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa la sheegay in uu ka socda abaabul labada beelood ah, waxaana xaalad deegaanka la sheegay in ay tahay mid kacsan.

Goobjoog News