U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Dagaal Ciidamada Daraawiishta Galmudug Iyo Al-shabaab Ku Dhex Maray Gobalka Mudug

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaallo saacadihii la soo dhaafay u dhaxeeyay ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Galmudug iyo xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Shabeeloow oo hoostaga gobalka Mudug. wararka ayaana sheegaya in dagaalka uu yimid kadib markii xubna ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Galmudug ay ku lahaayeen deeegaanka.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay Shan Askari oo uu ku jiro Gaashaanle Maxamed Cali Salaad, kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada daraawiishta Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in sidoo kale dagaalka uu ka dhashay qasaaro dhaawac ah.

Ciidamada Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dagaallo kula jiray ururka Al-shabaab, dagaaladaan ayaana waxaa xogaaminayo saraakiil uu ka mid yahay taliyaha ciidamada lugta xoogga dalka iyo wasiirka Amniga Galmudug.

Goobjoog News