U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Ku Dhex Maray Gobalka Bay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Bay ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka uu dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab uu ka dhacay degmada Qansax dheere.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilawday kadib markii Ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay kuu leeyihiin Degmada Qansax dheere.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka  ayaa sheegay dhankooda in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab ay ku soo qaadeen degmada Qansaxdheere ee Gobalka Bay.

Goobjoog News