U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Dagaallo Canfarta Iyo Soomaalida Ku Dhexmaray Deegaanka Gabro-Ciise

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Garbe ciise ayaa sheegaya in saacadihi la soo dhaafay deegaanka ay dagaallo ku dhax mareen Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta.

Dagaaladaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku soo noqnoqday deegaanka ayaa la sheegay in ay salka ku hayaan dhul deegaanka ku yaallo oo ay isku heystaan Soomaalida iyo Canfarta.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada, xilli labadii maalin ee la soo dhaafay ay deegaanka lagu dilay in ka badan 30-qof oo labada dhinac.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waddo dadaallo ay xal ugu raadineyso dagaalada ka socda dhulka xadka u ah labada qowmiyadood.

Xiisadda deegaanka Garbo Ciise ayaa caawa ah mid deggan iyadoo weli laga cabsi qabo in markale ay dib u soo noqdaan dagaalada Labada qoowmiyadood.

Goobjoog News