U bood dhigaalka

Faahfaahino ka soo baxayo Qarax Ka Dhacay Deegaan Hoostaga G. Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Coomaad ee hoos-taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay deegaanka.
Qaraxa ayaaa la sheegay in uu ahaa noca miinada dhulka lagu aaso, waxa uuna qaraxa uu haleelay sida ay ciidamada Xoogga sheegen gaari ay saarnaayeen xubna ka tiraan Al-shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada xoogga dalka ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 15 ka mid ah ururka Al-shabaab.

“Dadka Deegaankaasi ku nool ayaa Warbaahinta Ciidamada u xaqiijiyay in ay arkeen dhimashada 15 kamid ah Maleshiyaadka Argagaxisada Alshabaab iyo dhaawac intaasi kabadan, waxaana guud ahaan qaraxa uu bur buriyay gaarigii Maleeshiyaadkaasi ay saarnaayeen”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxan lagu aasay wadada lana qorsheynayay in lagu wax yeeleyo ciidanka xoogga .