U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay goob lagu hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada dalka .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda war ka soo saartay qaraxa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xammarw-weyne.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 8 qof oo ay ku jirto hooyo laba carruur ah wadato ay ku dhinteen qaraxa.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray in ka badan 9 qof oo shacab iyo Askar isugu jira.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Hibaaq Abuukar, oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka .

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Hibaaq Abuukar.

Qoraal uu soo dhigay mocalimuu ayuu ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab, Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”

Goobjoog News