U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa la sheegay in uu ka dambeyay qof naftii halige ah oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, uu soo galay maqaayad ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, balse wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Goobjoog News