U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Qarax Khasaaro Gaystay oo Ka Dhacay G.Hiiraan

Sheeko:Amniga

2 qof ayaa geeriyoday halka 3 kle aay dhaawacmeen kadib xarax lala eegtay gaari aay wateen wariyaal iyo dad shacab ah.

Dhaawacyada waxaa kamid ah laba wariye oo uvshaqeeybayay television ka maamulka Hirshabelle, waxaana lagu kala magacaabaa Khaalid Ilkacase iyo Abdikarin Shabellow.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Bacda oo katirsan degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, waxaana gaariga qaraxa lala eegtay uu qeeyb ka ahaa kolonyo uu watay gudoomiyaha Hiiraan Cali Jeeyte oo maalmahan howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka waday deegaanada u dhaxeeya Beledweyne iyo Matabaan.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana la rumeeysanyahay inay ka dambeeyeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab oo halkaas dagaalo kula galay ciidanka dowlada.