U bood dhigaalka

Faahfaahino Ka Soo Baxayo Qarax Khasaaro Geeystay Oo Ka Dhacay Galkacayo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Galkacayo ee xarunta gobalka Mudug gaar ahaan dhina Galmudug.

Qaraxan inta badan jugtiisa xaafadaha magaalada laga maqlay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Hotel Embassy oo ku yaalla gudaha magaalada .

Taliska ciidamada booliiska magaalada Galkacayo  ayaa sheegay in Rag watay jaakad laga soo buuxiyay waxyabaha qaraxa oo saarnaa moota Bajaaj uu la qarxay qaraxii ay wateen sida ay hadalka u dhigeen .

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa kuwas oo la sheegay in ay ahaayeen raggii qarax waday, waxa ayna laamaha amniga magaalada Gaalkacayo ay sheegen in aysan jirin cid kale oo khasaaro ay ka soo gaartay Qaraxa .

Sikastaba magaalada Galkacayo iyo deeganada kale ee maamulka galmudug ayaa tiro dhowr jeer ah oo hora ay ka dhaceen qaraxyo noocan oo kale ah .

GoobJoog