U bood dhigaalka

Faahfaahino Kasoo Baxaya Weeraradii Lagu Qaaday Hoteelada Siyaad iyo Weheliye

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro caawo maqribkii lagu qaaday labo hotel oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Wararka soo kordhey waxaa ka mid ah isbitaalka madiina mas’uuliyiinta ku sugan oo Goobjoog u xaqiijiyey dhaawacyada 15 qof, Drs. Duniyo oo ah agaasimaha isbitaalka ayaa arrintani u xaqiijisey Goobjoog.

Qaraxyada ayaa waxaa mas’uuliyiiyadooda sheegtey Alshabaab , Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka hawlgalada ee Al;shabaab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarada oo lagu qaaday labo hotel. “Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey ayaan ku dhufanay hotel Wehiye iyo Siyaad, dagaalyahanadeena a gudaha ayay u galeen, dagaalkana waa uu socdaa” ayuu yiri Abuu Muscab.

Dhinaca kale warar ay heleyso Goobjoog waxa ay sheegayaan in la la’yahay qaar ka mid ah mas’uuliyiin dowladeed oo ku sugnaa mid ka mid ah hoteelada la qarxiyey.

Goobjoog News