U bood dhigaalka

Faahfaahinta duqeyntii ka dhacday gobolka Shabeellaha hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo ay geysteen diyaarado dagaal oo ka dhacay deegaanada Sablaale iyo Haawaay ee gobalka SHabeellaha hoose.

Wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in diyaaradaha dagaal ay duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo xarakada Al-shabaab ah.

Duqeymaha waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in dad shacab ah ay waxyeello ka soo gaartay.

Hoos ka dhageyso codka qof aan ka fogeyn halka ay duqeynta ka dhacday oo Goobjoog FM ay wareysatay: