U bood dhigaalka

Faa’idada Dhaqaale Ee Turkiga Ugu Jirta Dib Usoo Laabasha Xiriirkoodii Ruushka

Sheeko:Dalka

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dib u soo hagaagayay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Turkiga iyo Ruushka, dib u soo laabashada dalxiisayaasha Ruushka iyo cunaqabateynta oo laga qaado waxsoosaarka Turkiga waxay Balaayiin Doollar oo faa’iido ah u tahay dhaqaalaha dalka Turkiga.

Warbixin ay soo saartay shirkadda maalgashiga Turkiga ee la yiraahdo ” Ata Yartirim”, ayaa lagu sheegay in dib u hagaajinta xiriirka Turkiga iyo Mosco uu Ankara soo gali doono faa’iidooyin gaaraya illaa 10 Bilyan oo dollar labada sanno ee soo socota.

Warbixinta ay Ata Yartirim  soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay:” Waxaan aaminsan nahay in xiriirka dhaqaale iyo gacansi ee Turkiga iyo Ruushka uu dib u soo hagaagayo xiliyadi dambe, culeysyada jirana laga gudbi doono, in si dhakhso ah loo hagaajiyo xiriirka Ruushka gaar ahaan dhanka ganacsiga waxay dhaqaalaha Turkiga u yeelan doontaa faa’idooyin gaaraya 4.5-5 Bilyan oo dollar sanadkii, labada sano ee soo aaddanna waxay gaari doonaa qiimahaasi illaa 10 Bilyan oo dolar”, taas oo wax weyn ka taraysa miisaaniyad sanadeedka dowladda.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo hagaagayay muddooyinkii dambe, iyadoo dowladda Ruushku ay cunaqabatayn dhanka ganacsiga ah ku soo rogtay dalka Turkiga November 2015, kadib markii ciidamada dalka Turkigu ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo nooceedu ahaa Su-24 lagana lahaa dalka Ruushka.

 Goobjoog News