U bood dhigaalka

Hodan Naaleeye Waxay Aheyd Astaan Rajo iyo Dhibbane Xoriyad-hadalka

Sheeko:Qormooyin

Warbaahinta Goobjoog ayaa marka hore waxaa ay tacsi u dirtay ehelada, asxaabta shaqo wadaagta  ahaayeen iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen weriyeyaasha Hodan Naaleeye iyo Axmed oo ku dhintay qarax 12-kii bishan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta  dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waxaan dalbaneynaa in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo xuriyadda hadalka, isla markaana ay xuriyad shaqo ka helaan dadka ka shaqeeya warbaahinta “ ayaa lagu sheegay qoraalka Goobjoog.

Sidoo kale, Goobjoog waxaa ay bogaadisay cid walba oo ka xanuunsatay geerida labada weriye gaar ahaan gabadha “Hodan Naaleeye waxaa ay aheyd mid muujineysay kartida iyo tayada gabdhaha Soomaaliyeed”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in Hodan Naaleeye ay u bixin-doonaan abaalmarin sanadle ah.

“Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta #HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid”. ayaa lagu qoray bogga faceboogga wasaaradda.

Dhinac kale geerida Hodan waxaa ka tacsiyeeyey ra’isul wasaaraha Canad iyada oo hey’ado badan oo dalkaasi ay xuseen, qaarkoodna si gaar ah abaalmarin u balanqaadeen.

Mawduucyada:Baroordiiq