U bood dhigaalka

Faarax Qare “34 Bulaacadood Ayaa Ku Qulquleysa Badda, Waana Wasaqoowdey”

Sheeko:Dalka

Faarax QareAgaasimaha hey’adda cilmi-baarista badda Admiral Faarax Qare oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldagayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii la asaasay hey’adda cilmi-baarista badda ayaa ka deyriyey xaalada biyaha iyo deegaanka badda ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegey in daraasad ay ku sameeyeen badqabka badda ay ku ogaadeen in xaaladda biyaha iyo deegaanka badda ee Soomaaliya uusan fiicneyn, islamarkaasina uu yahay mid wasaqeysan, dhibaato weyna ay kasoo fool leedahay.

“34 bulaacadood oo saxaro iyo kiimiko wada ayaa si joogto ah ugu qulqula badda Muqdisho” ayuu yiri Qare oo intaasi ku daray in xaaladda ay tahay mid deeyro ah.

Dhanka kale waxa uu sheegey in ay soo saarayaan dhawr buug oo ku saabsan cilmi-baaris ay hey’adda ku sameysey badda Soomaaliya, waxaana ka mid ah buug ku saabsan waxa laga garanayo macluumaadka badda Soomaaliya.

Horey uma aysan jirin cid buug ama daraasad cilmiyeed ka sameysey badda Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka hadlay sii hayaha xilka wasiirka ku xigeenka kalluumeysiga iyo dekadaha Jamaal Cusmaan oo isagu u digey ganacsatada dhisanaysa meelaha u dhow badda “Sida uu qaanuunku qabo , badda looma jirsan karo 450 mitir, taasina waxaa looga gol leeyahay in ay lagu illaaliyo noolaha badda ku nool si la mid ah sida loo illaaliyo dadka bariga ku nool” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu hey’adda cilmi-baarista ku amaanay in ay qabatay shaqo badan iyada oo aysan jirin cid wax ku biirisey ama taakuleysay, kaliyana jirtey muddo sanad ah.

Waxyaabihii munaasabadda looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa xaalufka badda ka socda iyo kalluumeysiga sharci darada ah, iyo waliba waxyaabaha qashinka iyo sunta ah ee lagu qubo.

Goobjoog News