U bood dhigaalka

Faaxfax dhuun:Saddex caruur oo u geeriyootay biyo wasaqeysan oo ay cabeen

Sheeko:Dalka

Saddex caruur ah ayaa ugu geeriyootay deegaanka Faafax dhuun ee gobolka Gedo cudurka shuban biyoodka kadib markii ay oon dartiis u cabeen biyo qaraar ah oo wasaqeysan.

Saddexdan carruurta ah ayaa biyaha wasaqeysan u cabay oon iyo harraad dartiis kadib markii biyo la’aan baahsan ay ka dhacday deegaanka Faafaxdhuun iyo tuulooyinka ku hareereysan.

Guddoomiyaha deegaankaasi Aadan Shuqul Nuunow ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay sidoo kale jiraan dad kale oo la il daran xanuunka shuban biyoodka.

Fuustada biyaha ayuu tilmaamay in ay deegaanka ka marayso 350,000 oo Shillin Soomaali ah, wuxuuna ku baaqay in gargaar deg deg ah lala soo gaaro shacabka ku dhaqan deegaanka Faafaxdhuun oo abaaraha, biyo la’aanta iyo caafimaad darrada ah si xun u saameysay.