U bood dhigaalka

 Facebook oo Keentay Adeeg Indhoolayaasha u Suuragelinaya in ay Sawirada Daawadaan

Dunidan maalin walbo waxaa soo baxaya Tecknolijiyadda cusub oo dadka u suurogalinaya in ay la socdaan is badalka aduunka, waxaa maalin walbo xitaa la keenaa adeeg kaalmeynaya dadka leh baahida gaarka ah.

Facebook oo ku dadaaleysa in adeegyadeeda ay gaarsiiyo ayey sameysay adeeg dadka indhaha la’a ay ku dhaawan karaan sawirada.

Adeeggan cusub waxaa ay shirkadda u suurogelineysaa in Indhoolayaasha ay la socdaan tafaasiisha sawirka Mobilka ka ku jira iyo sida uu sawirka u eg tahay.

Qalabka ay Fecebook keentay waxaa uu qofka u sheegayaa cod ahaan sida uu sawirka u egyahay iyo qaabka uu u yaallo.

Qalabka sameyntiisa oo qaadatay ilaa 10 bil waxaa ay la shaqeysnaa dareenka maskaxda, waxaa loo sameeyay qaab ay ku tarjumi karto ama kala saari karto ilaa Malaayiin sawirro ah.

Adeeggan waxaa hadda heli kara dadka adeegsada Mobillada nooca loo yaqaano  Iphione-ka, waxaa lagu bilaabay luqadda Ingiriiska.

Shirkadda Facebook ayaa sheegay in luqado badan ay ku sameyn doonaan iyo xitaa dhamaan Mobillada.