U bood dhigaalka

Facebook oo lagu soo rogay ganaax lacageed

Sheeko:Dalka

Midawga Yurub ayaa ganaax malaayiin dolar ah ku soo rogay shirkadda iska leh Facebook ee meta, taas oo ay ku eedeeyen in ay ku xadgudubtay dareenka muwaadiniinta midawga Yurub.

Xeer-nidaamiyayaasha midawga yurub ayaa sheegay in dadka ku nool  27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Midawga ayaa sheegay in ay meta ku soo rogtay ganaax lacageed dhan 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ah ciqaabta falka ay ku kacday.

Waxaana sidoo kale shirkadda lagu xukumay kaliya in ay u soo gudbiso isticmaalayaasheeda Midawga yurub kaliya waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Meta ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadaneyso go’aanka ay xukunka ay ku soo rogeen Xeer-nidaamiyayaasha midawga yurub.

Dhinaca kale weli shirkadda Meta ayaa wajaheysa eedo kale, waxaana la filaya in dhamaadka bishaan january ay shirkadda la kulanto xukun kale oo ku aaddan Whats App-ka.

Midawga yurub ayaa inta badan shirkada baraha bulshada ee Meta iyo kuwa kale waxa ay ku soo rogta ganaaxyo iyo xayiraado fara badan.

Goobjoog News