U bood dhigaalka

Facebook Oo Soo Kordhinaya Bog Cusub Oo Lagu Ilaalinayo Ammaanka Macaamiisha

Barta Facebook ayaa waxay keentay barnaamij cusub oo lagu magacaabo Safety Check si loo ilaaliyo nabadgelyada qofka isticmaalaya Facebook waxaana barnaamijkaan loo sameeyay bog u gaar ah oo qofka arkayo.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay bateen dhacdooyinka waaweyn sida hawlaha argigixisada dhibaatooyinka dabiiciga ah,kuwaas oo laga yaabo in waxyeello amni ay ugeystaan macaamiisha Facebook.

Boggaan ayaa waxaa uu yahay mid cusub oo ku dhagan canjal waqtiyeysan kaasi oo soo bandhigaya wararka iyo dhacdooyinka ka dhacaya dunida.

Boggaan ayaa waxaa uu soo bandhigaa in la kaalmeeyo dadka ku sugan goobaha uu dhibka ka jiro.

Boggaan cusub oo ilaalinayo nabadgelyada macaamiisha Facebook ayaa waxaa uu hawada soo galayaa todobaadyada soo socda.

Goobjoog News