U bood dhigaalka

Facebook oo Xirtay Malaayiin Account oo Been-abuur ah

Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday iney xayirto malaayiin account been-abuur ah oo barta laga furanto, waxaana sidaa lagu sheegay bayaan ay shirkaddu soo saartay oo loo gudbiyay guddiga sirdoonka congress-ka Mareykanka.

Shirkadda ayaa hoosta ka xariiqday iney si joogta ah uga shaqeyso hagaajinta nidaamka lagu xakameeyo xisaabaadka cusub ee been-abuurka ah, kuwaas oo kasoo horjeeda siyaasadaha ay bartu ku shaqeyso.

Bayaankan oo soo baxay Janaayo 8, 2018, laakiin Khamiistii shalayna ay congress-ku faafiyeen ayaa lagu yiri: “Maalin kasta waxaan xayirnaa malaayiin account been-abuur ah, maxaa yeelay nidaamkeenna waxa uu darsaa habdhaqanka xisaabaadka ay dadka xuni adeegsadaan oo aan dhaqankooda qarin karin.”

arrintan ayaa ka dhigan in Facebook ay si rasmi ah u bilowday iney xayirto xisaabaadka beer-abuurka ah ee dadka xuni sida khaldan u adeegsadaan ee barta ka furan.