U bood dhigaalka

FACT CHECK: Farmaajo oo Ka Been-sheegayo Diyaar-garowga Soomaaliya ee Xubinnimada Golaha Ammaanka

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadda hal sano oo aan sharciyad aheyn fadhiya Villa Somalia, inuu ku sheego khudbad isniintii uu jeediyey in xilligan ay Soomaaliya diyaar u tahay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waa olole doorasho, been,  iyo ka bad-badin.

Inkasta oo dal weliba oo ka tirsan UN-ka sida dalkeenna uu xaq u leeyahay naadiga 15-ka ah ee golaha ammaanka, hadana safarka Soomaaliya ay qeyb uga noqon karto kooxdaas 15-ka ah ma aha mid fudud iyo sida uu u sahashanayo Farmaajo ama uu doonayo in kuwa isaga taageersan ay aaminaan.

Soomaaliya waxay ka mid ah tahay 3-da dal ee deymaha ugu badan ay ku leedahay Qaramada Midoobey, waxaa lagu leeyahay $1.4 million oo ah qaaraanka sanadlaha ahaa ee UN-ka, mana codeyn karto sida uu qabo qodobka 19-aad ee xeerka qaramada Midoobey, laakin isla qodobkaas ayaa marmarsiyo siinayo dalalka aan bixin karin dhaqaale darro awgeed sida Soomaaliya, inkasta oo laga yaabo in codeynta jimciyadda loo ogolaado hadana arrintan waxaa ay saameyn ku yeelaneysaa hamiga uu Farmaajo sheegayo ee ka mid noqoshada golaha ammaanka.

Soomaaliya si ay golaha ammaanka ee UN-ka xubinaheeda aan joogtada aheyn uga mid noqoto,  keliya ma aha iney lacagta iska bixiso, ee waa iney galaangal ku dhex yeelato dalalka gobolka, Afrika, Carabta, naadiga 5-ta joogtada ka ah golaha ammaanka iyo guud ahaan dunida inteeda kale, taasi oo hadda aaney waqti u aheyn, oo waxaa socota doorashada soo jiitameysay tan iyo July sanadkii hore.

Afrika oo hadda 3 kursi ku leh golaha ammaanka, bishan labo ka mid ah waa la buuxin,  oo Gabon iyo Ghana  ayaa  badalaya Tunisia iyo  Niger  halka Kenya oo sanadkii hore soo gashay ay banneyn doonto 2022-ka dhammaadkiisa. Soomaaliya waa iney qaaradda oo dhan ku qancisaa in kursigaas ay hesho.

Marka la fiiriyo caqabadaha aan sheegnay iyo sida ay u adagtahay xubinnimada Soomaaliya ee golaha ammaanka, lana barbardhigo khudbadda Farmaajo, waxaa soo baxaya iney ka aheyd olole doorasho, marin-habaabin rayul-caamka iyo been ka fog xaqiiqda jirta.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu bilaabayo olole doorasho oo lagu kicinayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ah qorshahiisa uu ku doonayo inuu kusoo laabto 2022-ka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye