Fact Check: Wasiir Khadiijo Oo Ka Beensheegtay Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay khudbad ka jeedineysay munaasabadda lagu xusayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee la xuso burburkii kadib.

Khadiijo Maxamed Diiriye hadalladeeda waxaa ka mid ahaa“Qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay maamuuska maalinta calanka Soomaaliyeed, laakin laga soo bilaabyo 2,000, intii hadda qaran burburka nagu dhacay, dowladihii KMG ahaa markii laga soo baxay, waxaan ku faraxsanahay dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga inay nasiib u heleen inay xusaan maalintan oo aan horay loo xusi jirin”.

Hadalka wasiir khadiijo waa been abuur iyo indho sarcaad ay ku sameysay dadka Soomaaliyeed, maalinta calanka waxaa si joogta ah looga xusi jiray Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah.

Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa 2014-kii iyo munaasabadda lagu xusayey sanad guuradaha 60-aad ee maalinta calanka.

Xaflad lagu qabtay Muqdisho waxaa ka soo qeyb-galay  madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Jawaari, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo mas’uuliyiin kale, waxaana lagu dheeraaday taariikhda calanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Qof kasta oo Soomaali ah astaanta uu leeyahay ee lagu garanayo marka uu caalamka meel ka mid ah joogo waa calanka Somalia, mala fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda, calanka waa waxaan naga harayn, waayo geesiyaasheenna marka ay dhintaan calanka ayaa lagu dedaa, marka aan weyneyno calankeenna,”

Sanad kadib, 2015-kii waxaa sidoo kale lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar waxaana ka soo qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid, guddoomiyaha golaha shacabka jawaari, duqa Muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) iyo madax kale, waxaana looga hadlay qiimaha calanka.

 

Labadaasi sano waa tusaale dhow, laakin 4-tii sano ee madaxweyne Xasan Sheekh si joogta ah ayaa loo xusi jiray maalinta calanka Soomaaliyeed.

Lama oga waxa ku qasbay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye inay dafirto taariikh dhow, oo loo heli karo maqal, muuqaal iyo qoraalba.

Maamulka hadda jira ee dhashay Febraayo 8, 2017-kii, waxaa uu ku caan baxay  erayo ay ka mid yihiin ‘Markii ugu horeysay” iyo “28 sano kadib”, inta badan kuma fadhiyaan xaqiiq ee waa erayo lagu raadinayo sacab.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. Ninkeyga iyo anigana waxaan leenahay dhibco aad u xun markii aan qadarinay joornaaliyeyaasha dhaqaalaha illaa xadkeenna aan ku codsanay biilashada, waxaan leenahay wax yar ama lacag la’aan ah in aan u dirno gabadahayaga si aan u galno jaamacad aan awoodi karno. Waxaan xakameyn karnaa amaahda deynta ah (shirkadaha amaahda), kuwaas oo ka caawiyay dadka naga mid ah, in aan isbeddelno deynta. Shirkad kasta oo aan la xiriirnay waxay dooneysay lacag ka badan $ 1,000 ilaa $ 2,000 oo aanan awoodin. Sababtoo ah waxaan u maleynay inaanaan rajeyneynin inaan doorano inaan iibino ama lumino gurigaaga adoo xiraya. Kadibna waxaan soo gaadhay majaladda maxaliga ah iyo daboolka wuxuu ahaa Shirkadda Loan Bonding Corporation. Saddexda talaabo ee ugu muhiimsan; 1. Waxaad soo gudbineysaa codsi elektaroonig ah. E-mail: albakerloanfirm@gmail.com 2. Waxaad siisaa habka saxda ah ee aqoonsiga sida haddii muwaadinkaagu haysto kaar aqoonsi ama liisan darawalnimo iyo macluumaadka akoonka bangiga. 3. Deymaha waa la baaraandegay, la ansixiyay, loona gudbiyey. Sheekada dheer ayaa la soo gaabiyey, waxay ka caawiyeen inay helaan deyn dhan 4% oo go’an oo wax ka beddelay lacagaha dib loo eegay. Waxay sidoo kale gabdhahoodii siinayeen deyn waxbarasho si ay u dhamaystiraan jeegga jaamacadeed ee buuxa. Waxaan la shaqeynay Lasson’s amaahda, kuwaas oo naga digay horumarka adduunka oo dhan. wuxuu sameeyey dhammaan waraaqaha, wicitaanka telefoonka, iwm. Waxay sameeyeen dhammaantood waxaana helnay deyn aan aqbalno. Markii aan ogolaaday shuruudahoodii amaahda waxaan soo gudbiyay faahfaahinta bangigayga, waxaan ku bixiyey qiimo macquul ah adeegyadan. Anagu ma awoodi karno inaan helno sida fudud oo la awoodi karo maaddaama ay ahayd iyada oo loo marayo geeddi-socodka isbeddelka iyadoo la adeegsanayo aqoontayada. Ma aanan helin wakhti aan kuugu mahad celiyo, haddaba mahadsanid! Anigu ma weydiin koox ka wanaagsan. Anigu waxaan joogaa waqtigii dib u maalgelinta. Adiga ugu fiican, adigoo raqiis ah Haddii aad dhibaato naga haysato, la xiriir shirkad dejinta amaahda. Waxay shaqeyn karaan. Si daacadnimo leh, Timothy iyo Maria oo aqbalay Oktoobar 15, 2018 ee Columbus, GA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW