U bood dhigaalka

Fact Check: Yaasiin Fareey oo Ka Been-sheegay Xabsiga Roobow!

Sheeko:Amniga

Ku-simaha hey’adda NISA, Yaasiin Fareey oo ka jawaabayey warqad uu wasiirka amniga Cabdullahi Nuur uga dalbaday ka warbixinta xaaladda Mukhtaar Roobow oo horay u ahaa ninka 2-aad ee Al-shabaab ayaa waxaa uu ku sheegay in Abuu Mansuur khatartiisa laga hayo shacabka Soomaaliyeed, uuna xabsiga ku heysto nolol fiican oo ay ku baxdo $7,000, loo geeyey qalab jir dhis, caafimaad, isla markaana qoyskiisa u tagaan, diyaariyana Master.

Ma Runbaa In Roobow uu Khatar yahay?

Marka aad gadaal u raacdo xiriirka Abuu Mansuur Roobow iyo maamulka Farmaajo waxaa soo baxaya in Mukhtaar iyo Villa Somalia ay isku heystaan siyaasad ee aaney la xiriirin khatar amni, sabab!

On August 13, 2017, Robow, ayaa isku dhiibay maamulka Koonfur galbeed, gaar ahaan Xudur kadib markii uu muddo la dagaalayey Al-shabaab. Labo maalin kadib August 15, 2017, waxaa loo soo duuliyey Muqdisho isaga oo shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay inuu ka baxay Al-shabaab xilligaas kahor 5 sano iyo 7 bilood, hadalkaas kadib 6 bil ayaaba warkiisa la la’aa, waxaana dhacday in Mareykanka oo horay u dul dhigay $5 million ay ka qaadaan, noloshiina ay caadi kusoo noqoto!

Safarradii Roobow ee Baydhabo iyo Xamar?

February 18, 2018, Roobow ayaa waxaa uu tagay Baydhabo isaga oo maalmaha uu joogay kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada kadibna waxaa uu dib ugu soo noqday Muqdisho. Lix bil kadib October 4, 2018 waxaa uu dib ugu noqday Baydhabo isaga oo isla maalintaas ku dhawaaqay inuu musharax u yahay doorashada madaxtinimada maamulka, maalmo uu halkaas ku sugnaa waxaa uu October 10 la kulmay xildhibaannada maamulka isaga oo ka codsaday taageero, waxaa kale oo 14-kii October la arkay isaga oo isbitaal ku yaalla Baydhabo ku booqanaya bukaanno qarax ku dhaawmay halkii qaraxii Zoobe dadkii u dhaawacmay uu dhiig ugu shubay Muqdisho October 16, 2018.

Murashax Roobow iyo Qabashadiisa:

On November 25, Robow  waxaa la siiyey shahaadadiisa musharaxnimo ee madaxweynenimada Koonfur galbeed, arrintaas oo ka careysiiyey Villa Somalia, weliba guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed waxaa ay sheegeen in aaney jirin wax caqabad ah. Qalalaaso dhacay December 13, oo ay ku dhinteen ilaa 15 qof ayaa lagu qabtay Abuu Mansuur Roobow waxaana isla maalintii la keenay caasimadda Muqdisho.

Ergeygii UNka ee Soomaaliya  Haysom oo su’aalo ka keenay xariga Roobow iyo dilka rayidka December 29, waxaa la ceyriyey January 1, 2019. Villa Somalia keliya Roobow uma diidin inuu tartamo ee waxaa ay Koonfur Galbeed madax uga dhigtay Cabdicasiis Lafta-gareen oo ahaa wasiir ka tirsan maamulka Farmaajo. Roobow waa uu xirnaa wixii intaasi ka dambeysay ilaa aan maqalnay wareysi ay October 2021 la yeelatay VOA isaga oo sheegay inuu xanuunsanayo!

Waa Kuma Mukhtaar Roobow?

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur waxaa uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada Alshabaab, isaga oo  ka soo jeedaa beesha Leysaan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle ee degta gobollada Bay iyo Bakool.

Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa sida aan soo sheegnay bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag.

Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool.

Sanadihii xigay waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, ilaa uu iska soo dhiibo.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Goobjoog News