U bood dhigaalka

Fadeexadda Warqadaha Panama Oo Caadaadis Badan Saartay Hoggaamiyeyaasha Dunida

Sheeko:Dalka

Tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka oo magacyadoodu ka soo dhex muuqdeen warqadaha sirta ah ee loo yaqaanno Panama Docoment, ayaa waxay bilaabeen iney ka jawaabaan iyagoo ku tilmaamay in sharaftooda lagu xad gudbayo si aan cadaaladda waafaqsaneyn.

Dowlado farabadan ayaa furay baaritaanno ku saabsan fadeexaddan cusub, kadib markii la helay document 11.5 Milyan oo warqadood oo sir ah, hanti ay maamulaan shirkado gaar ah oo ay dibadaha ku leeyihiin hoggaamiyeyaasha caalamka oo sharci darro ah.

Warqadahani waxay durbaba galaafteen oo ay ku khasbeen inuu is casilo ra’iisul wasaaraha Iceland, David Siegmundous Gonlogson, oo xilka iska casilay, sida uu ku dhawaaqay xisbigiisa Talaadadii shalay,  kadib markii isaga iyo xaaskiisa lagu eedeeyay iney hanti qarsoon dibadda u taallo, baarlamaanka Icelanad ayaana furay baaritaanno ku saabsan lacagaha la lunsaday ee lagu eedeynayo madaxda.

Sidaas oo kale warqadahan ayaa waxaa ku jira hoggaamiyeyaal Carbeed kuwo kale oo Yurub ah iyo qaar kale oo African ah oo hanti Balaayiin dollar ah ay dibadda u taallo isla markaana ay u maamulaan shirkado gaar ah.

Warqadahan sirta ee la helay ayaan la garneynin sababta ka dambeysa in hadda banaanka la soo dhigo iyadoo shaki badan laga muujinayo, laakiin dadka markasta waxaa faa’iido u ah iney ogaadaan wejiga dhabta ah ee madaxdooda had iyo jeer dhacda hantida dowladda iyo sida xeeladeysan oo ay dibadaha u dhigtaan.

Warqadahan sirta ah ee loo yaqaanno “Panama Docoment” ayaa la mid ah sida warqadihii qarsoodiga ahaa ee Wikileaks ee markasta banaanka soo dhigeysay warqado sirta ah ee ay leeyihiin dowladaha iyo siyaasiyiinta caalamka, iyadoo fadeexaddan cusub lagu tilmamay tii ugu darneyd abid,  dhanka maaliyeed, dunida soo martan.

Ugu dambeyn, koox wariyeyaal ah oo heer caalami ah oo  baaritaanno sameeyay ayaa waxay Axaddii  la soo dhaafay ku dhawaaqeen in la helay 11.5 milyan oo warqdo sir ah oo ku saabsan sida warshado caalami ah, hay’ado sharciyaqaanno ah iyo bankiyo, si sir ah Hanti ugu keydiyaan siyaasiyiin, dadka daroogada ka gacansada, Bilyan dheerro iyo dad caan ah iyo weliba xidigo dhanka Sports-ka ah, oo dhamaantood canshuur ka carar ah.

Goobjoog News