U bood dhigaalka

Fadeexadda Xuska Sannad Guurada 62 ee Asaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) 12 April 2022

Sheeko:Amniga

Khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday 7dii Febraayo 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmajo uu ka jeediyay dabaaldegga Sannad Guurada 62 ee Asaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) oo ku beegan 12ka Abrile 2022 ayaa taarikhda Soomaaliya u qaybisay saddex waqti: 30 sano oo wadannimo ah ( 1960-1991), 27 sano oo qabiilnimo ah ( 1991-2016) iyo 5 sano oo wadannimo ah (2017-2022) oo asagu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya. Ma ogi in la helayo hal shakhsi oo farmajo la qaba aragtidaas, mana hubo inuu isku dayay inuu raadiyo qof la qaba. Wuxuu marar badan ku celceliyay wadannimo si dadweynaha Soomaaliyeed u rumeystaan inuu waddani yahay madaama uu sheeganayo.

Dadweynaha Soomaaliyeed iyo ajnabi badan waxay aad ula yaabanayaan, isweydiinayeen sababaha farmajo ugu mashquulsanaa bilihii la soo dhaafay qabanqaabada xafladda dabaaldegga Sannad guurada 62 ee asaaska CXDS asagoo ogsoon in sannadihii la soo dhaafay aan la qaban xaflad, isla markaana dalka ku jiro marxalad kala guur ah.

Waxaa baraha bulshada qabsaday in Farmajo doonayo inqilaab uu xukunka dalka ku haysto, taaso u muuqatay qar iska tuur, haseyeeshe aad uga walaacisay Beesha Caalamka ilaa Xoghayaha Guud ee QM laga codsaday inuu farmajo u sheego inuusan carqaladeyn dhammeystirka doorashada muddada dheer socotay ee gabogabada mareysa.

Waxaa aad looga walaacay heerka damqasho iyo xilkasnimo ee Farmajo oo aad ugu mashquulay qabanqaabada xafladda maalinta asaaska CXDS ee 12ka Abrile asagoo ogsoon dhibaatooyinka iyo khataraha dalka ka jira:

1. Dalka oo aysan ka talin Dowlad haysata sharciyad ah;

2. Cudurka COVID-19 oo dalka ka jira;

3. Abaarta ba’an oo muwaadiniin badan ku xoolo beeleen, kuna barakaceen;

4. Khadka cagaaran ee dhex yaala Madaxtooyada JFS una dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaday Farmajo iyo RW Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed X. Roble, isla markaana ATMIS kala ilaalineyso;

5. Ciidammada Ajnabi ah ee ilaalinaya Farmajo;

6. Sicir bararka iyo dhaqaale xumida haysta shacabka Soomaaliya iyo adduunka oo dhan;

7. Halista ururka argagixisada Al Shabab oo NISA shaacisay in nin la yiraahdo Mahir oo ka tirsan Al Shabab uu dilayo Farmajo iyo Roble;

8. Ballanta 14ka Abrile 2022 loo qabtay dhaarinta Xildhibannada doorashadooda socotay muddada sagaalka bilood ah;

9. Dhammaadka muddo xileedkiisa iyo wixii dhacay 25 ka Abrile 2021 markii lagu qasbay inuu ka noqdo muddo kororsiga 2da sano ah ee uu ku dhawaaqay 12ka Abrile 2021;

10. Dhibaatada shacabka Muqdisho ka soo gaareysa joojinta dhammaan dhaqdhaqaaqa muddo maalmo ah;

11. Khilaafka iyo kacsanaanta dalka ka taagan ee uu ka dhalan karo dagaal hubeysan;

12. Muuqaalka xun iyo sumcad xumida ka dhalan karta Ciidammada Soomaaliya lahaan jirtay iyo Ciidammada maanta u dabaaldegaya sannad guurada 62 ee CXDS ee lagu qabanayo Wasaaradda Gaashaandhigga gudaheeda.

Xafladda waxay daaha ka qaaday in farmajo lumiyay haybadda xilka Madaxweynaha JFS madaama aysan xafladda ka soo qayb gelin hoggaankii iyo mas’uuliintii Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa wax laga calool xumaada ah in Farmajo uusan garan dhaawaca gaaraya garaadkiisa iyo dowladnimada Soomaaliya marka uu xafladda dabaaldegga Sannad guurada CXDS ku martiqaaday RW hore Cali Maxamed Ghedi si uu uga hadlo ayadoo dalka uu ka talinayo Golaha Wasiirrada uu madax u yahay RW Roble. Waxaase ka daran in RW hore Cali Maxamed Ghedi uusan ka cudurdaaran ka hadalka xafladda, kana jeediyay khudbad ka baxsan munaasabadda iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada.

Soomaaliya waxay u baahan tahay waayeel damiir wanaagsan leh, karti u leh ilaalinta karaamada Ummadda Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqanka wanaagsan ee nidaamka dowladda dimoqradiga ah ee la higsanayo.

Ilaalinta anshaxa wanaagsan ee dowladnimada waa asaaska dowlad haybad ah ee shacabka Soomaaliyeed ku faani karo.

WQ/ Dr. Maxamuud Culusoow