U bood dhigaalka

Fadhiga Golaha Shacabka Oo Laga Diiday In Uu Ka Soo Qeyb Galo Ra’iisul Wasaare Rooble

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in la diiday in uu horyimaado xildhibaanada, waqtigoodu dhamaaday  ra’iisul wasaare Rooble, oo maanta lagu waday in uu khudbad ka hor jeediyo .

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa markii uu fadhiga furmay waxa ay dalbadeen in ajendaha kulanka laga saaro dhageysiga khudbadda wax qabadka 100 maalin ee xukuumadda Rooble , iyagoo xildhibaanada Sheegayaan in anan loo qeybin warqadaha wax qabadka Ra’iisul wasaaraha .

Guddoonka golaha shacabka ayaa markii danbe aqbalay Soojeedinta xildhibaannada, iyadoo Xarunta laga saaray Ilaalada ra’iisul wasaaraha oo goobta ku sugnaa.

Rooble ayaa soo bandhigi rabay wax qabadkiisa xukuumadda waqtiga ka dhacay ee 100 maalin jirsatay .