U bood dhigaalka

Fahad Yaasiin Oo Kamid Ah Dadka Lagu Tuhunsan yahay Kiiska Ikraan Tahliil oo Muqdisho soo gaaray

Sheeko:Amniga

Taliyihii Haya’adda sugida Qaranka ee shaqada laga eryay Fahad Yaasiin  ayaa saaka ka soo degay  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin oo loo haysto Kiiska Ikraan  Tahliil ayaa kol  hore lagu xanibay  magaalada Jabuuti  ee Dalka Jabuuti dibna loogu celiyay  Dalka Turkiga.

Mr Yaasiin ayaa la sheegay in Garoonka Muqdisho ay ka soo dejisay diyaarad gaar ah oo uu ka soo qaatay dalka Turkiga halkaas oo uu maalmahanba  uu ku sugnaa.

Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee qorshuhu ahaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho   ayaa u baaqday  sabab la xiriirta  dhinacyadii ka qayb gali lahaa oo jawaab siin Villa Soomaaliya iyo Maqnaanshaha Fahad Yasiin .

Fahad Yaasiin oo  shaqada laga eryay  ayaa Shirka ka jeedin lahaa  Warbixin la xiriirta maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo ka tirsan Hay’adda NISA oo ku maqan  isla Hay’ada.

Goobjoog News