U bood dhigaalka

Fahad Yaasiin Oo Shuruud Ku Xiray Warbixinta Kiiska Ikraan Tahliil

Sheeko:Amniga

Agaasimaha Taliska NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa jawaab ka bixiyay amar uga yimid ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble .

Rooble oo xalay 48- saacadood u qabtay Fahad Yaasin si uu jawaab uga soo bixiyo kiiska Ikraan Tahliil ayaa loogu soo jawaabay in uu qabto shir ay isugu yimaadaan Golaha Ammniga Qaranka.

Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay in uu doonayo in uu ka bad baado qorshaha Rooble ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in shir la isugu keeno golaha Amniga qaranka oo aan kulmin muddo sanado ah.

Agaasimaha NISA, ayaa war qad uu soo saaray ku sheegay si uu warbixin uga bixiyo kiiska Ikraan loo baahan yahay in kulan la isugu keeno Golaha Amniga Qaranka.

Warqadda ka soo baxday NISA ayaa la rumeysan yahay in ay fursad kale ay siineyso Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday taas oo uu markale talada iyo go’aanada dalka ku hogaamiyo kadib markii uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha.

Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arimaa Ammaanka iyo siyaasadda ayaa sheegay in Warqadda Fahad Yaasin uu ku doonayo in waqtiga uu ku sii dheereysto maadama wax ka yar 24 saac ay ka dhiman tahay waqtigi loo qabtay.