U bood dhigaalka

Fahad Yasiin Oo La Wareegay La Taliyaha Farmaajo.

Sheeko:Amniga

Agaasimihii hore ee ha’adda NISA Fahad Yasiin oo Madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday uu umagacaabay, lataliyaha amniga qaranka ayaa la wareegay maanta xilkiisa cusub.

 

“Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali” ayuu agaasinka warfaafinta Villa Somalia Cabdarashid Xaashi ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray.

 

Fahad yaasiin ayaa dhaliayay xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka gadaal markii ay Ha’addii uu Madaxda ka ahaa ee NISA gacanteeda lagu waayay Sarkaalad Ikraan tahliil oo isla ha’adan ka tirsanayd.

GOOBJOOG NEWS.