U bood dhigaalka

Falanqeeye Cabdullahi “Xariirka Kubbadda Cagta Waxa Ay Sameeyeen Is Badal Weyn”

Sheeko:Cayaaraha

Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ah ka mid ah gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ay sameeyeen is badal weyn oo muuqda taasina oo ah in xulalka kala duwan ee dalka ay guulo waaweyn ka gaareyn ciyaaraha caalamka saddexdii sano lasoo dhaafay.


“Ma aheyn wax sahlan in xulka qarankeena uu gurigiisa ku ilaashado markii ugu horeesay ama xitaa ku badiyo kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunyada,balse waa shaqo adag ay qabteen madaxda xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ” ayuu Goobjoog u sheegay falanqeeye  Cabdullahi Faarax.

Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur ayaa Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya u soo jeediyay in ay wax ka badal weyn lagu sameeyo tartanka horyaalka Somalia Premier League,isagoo tusaale u soo qaatay xiisaha iyo xamaasada tartanka sanadaha ee kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Markaan is bar bardhigno tartanka degmooyinka iyo horyaalka Soomaaliya ma ahan wax isku mid ah waxaana tusaale kaaga filan shacbiyada iyo xiisaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka,balse waxaana madaxda X.K.Cagta kula talin lahaa in horyaalka Soomaliya laga dhigo mid ay kasoo wada qeyb galaan kooxaha ka dhisan guud ahaan dalka,si horomarka kubbadda cagta ay u gaarto shacabka ku nool wadanka oo dhan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur.

Xulka 17-Jirada Soomaaliya ayaa sanadkii 2018 gaaray kama dambeysta tartanka Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka qabsoomay wadanka Burundi waxayna dhallinyarada Soomaaliya fiinaalka la ciyaareen Tanzania waxayna aheyd taariikhda markii ugu horeesay uu xulkeena soo tiigsado heerkaas.


“Inta ay joogaan xafiiska gudoomiye Cabdiqani Saciid iyo saaxiibadiisa waa markii labaad ay soomaaliya gaarto meel aad u saraysa ee dhinaca guulaha xulka qaranka,taasina waxa ay rajo weyn ku beertay taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya” ayaa hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi.

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Falanqeeye Cabdullahi Faarax Siiyay Goobjoog Sports

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/440103960186849/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle