U bood dhigaalka

Falanqeyn Siyaasadeed: Safarka Farmaajo ee Eritrea iyo Saameyntiisa Soomaaliya

Sheeko:War

Socdaalka taariikhiga ah ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea wuxuu soo jiitay indhaha dawladaha Gobolka iyo kuwa caalamka. Waxaa loo arkay inuu qayb ka yahay dadaalada nabadda iyo is afgaradyada siyaasadeed ka socda beryahan Gobolka Geeska Afrika.

Ha yeeshee, markii hoos loo akhriyo, waxaa soo baxaya sawir ka duwan midkaas.

Saddex qodob ayaa u baahan qiimeyn marka laga hadlayo socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu tegay Eritrea.

Ugu horeyn, socdaalku wuxuu yimid ka dib markii ay Eritrea la heshiisay Ethiopia. Su’aasha la isweydiin karo waxay tahay: Madaxweyne Farmaajo maku dhiirran karay inuu si iskiis ah, oo ka madax bannaan talaabadii ay horey Itoobiya ugu qaaday dhinaca Eritrea in ay kula heshiiso? Socdaalkiisu ma u muuqan karaa mid aan ku imaan rabitaanka Farmaajo, balse ku yimid rabitaanka iyo tusaaleynta hogaanka Itoobiya? Sawirkaas wuxuu dhantaalayaa hankii ay Soomaalidu ka qabtay madax Soomaaliyeed oo si muuqata uga madax bannaan Ethiopia.

Qoddobka labaad, maadaama ay Eritrea tahay dal sannadihii ugu dambeeyay ku eedeysnaa inuu taageero argagixisada, isla markaana aan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya. Sida xeerka iyo sooyaalka diblomaasiyadda ay qabaan waa in uu saanta hore yeesho dalkii wax laga tabanayey, haddase waxaa muuqata in Soomaaliya ay u muuqaneyso in ay iyada wax laga tirsanayo. Booqashada Farmaajo na waxay libin ballaaran u tahay Madaxweyne Afawerki, oo aad u doonaya in laga qaado cunaqabateynta ragaadisay dalkiisa iyo hogaankiisaba.

Qoddobka saddexaad, booqashada Farmaajo ee Eritrea waxay ku soo beegmeysaa maalmo ka dib markii madaxda Itoobiya iyo Eritrea ay heshiiskoodi ku soo afjareen Abu Dhabi. Waxaanna ognahay in xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadku ay aad u doonayaan in Soomaaliya ay kusoo biirto gaashaanbuurtaas, si loo wiiqo dalka Qatar. Sidaas darteed, ma dhici kartaa in Madaxweyne Afawerki loo soo diray inuu Madaxweyne Farmaajo kusoo daro xulafadaas, maadaama ay Sucuudiga, Imaaraadka iyo Itoobiya ku fashilmeen hadafkaas?

Shakigaas waxaa sii kordhiyey wareysi uu dhowaan Wasiir Dahir Geelle siiyay VOA, kuna sheegay in Eritrea ay dhexdhexaadinayso Soomaaliya iyo Imaaraadka. Sidoo kale, Wasiir ka tirsan dowladda Imaaraadka ayaa isna xaqiijiyey inay jirto dhexdhexaadin hada socota laakiin uusan carabka ku dhufan cida ku hawlan dhexdhexaadintaas.

Saddexdaas qodob marka aad qiimeyso, waxaad isweyndiin kartaa labo su’aalood oo kala ah; Muxuu Farmaajo ka faa’iiday booqashada Eritrea? Su’aasha labaad. Maxaa uga soo fool leh Soomaaliya isbedelaan siyaasadeed ee ka cusub geeska Afrika iyo danaha dawladaha Khaliijka qaarkood ee geeska Afrika?

Qalinka: Mahad Cabdullahi

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Goobjoog News