U bood dhigaalka

Falaqeyn: Aqoonyahanno Taageeray Hadalkii Baarlamaanka Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Siyaasadda dalka ayaa la sheegaa in farogelin ay ku hayaan qaar ka mid ah wadamada Caalamka gaar ahaan dowladaha Khaliijka.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa ku lug lahaa khilaafka siyaasadda Soomaaliya waxayna dolwadda Imaaraadka Carabta ay heshiisyo ay la gashay maamul goboleedyada qaar kood waxayna arrintaasi keentay in Khilaaf xooggan uu soo kala dhex galo dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiint ayaa sheegay in dowladaha qarkood aysan dooneynin in dalka uu galo xasilooni siyaasadeed waxayna ku micneeyeen in arrintan ay dib u celin karto horumarka uu sameynayo dalka.

Siyaasiyiinta ayaa dhanka kale soo dhoweeyay warkii ka soo baxay Baarlamaanka Yurub oo ku aadanaa in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya.

Xasan Keynaan oo ka mid ah Siiyaasiyiinta ku nool Muqdisho ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay doonayaan in waddanka ay galiyaan gumeysi cusub.

“Midowga Yurub waa in ay soo faro galiyaan faragelinta uu Imaaraadka ku hayo Soomaaliya waa gumeysi cusub oo dardar wada, Soomaaliya waa dal jiri jiray mana qaadan karto gumeysi hor leh”.

Cabdullahi Xuseen ayaa isna qaba in Imaaraadka iyo dowladaha kale ee dunida ay dalka ku hayaan faragelin waxaa uuna yiri.

“Faragelinta hanaga daayaan Mareykanka iyo Carabta, waxaa dalka Faragelin ku haya caalamka oo dhan Soomaaliya waxaa burburiyay aduunka oo dhan”.

Shalay ayey aheyd markii baarlamaanka Midowga Yurub ay ugu baaqeen wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga in Soomaaliya ay ka daayaan Farogelinta .

Goobjoog News