U bood dhigaalka

Falcelin: Midowga Yurub, Madaxweyneyaal iyo Mas’uuliyiin Soomaali ah oo Isku Raacay in Aamino Loo Dilay Fikirkeeda

Sheeko:Amniga

Tan iyo xalay habeennimo Khamiis ah markii la dilay xildhibaan Aamino Maxamed, waxaa soo baxayey cambaareyn la xiriirta dilka iyada oo madaxda qaar ay ku eedeeyeen Villa Somalia, qaarna fikirka ay aaminsaneyd iyada oo la isku raacay inuu ahaa fal xun oo ka dhan ah banii’aadnimada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhacdooyinka ka dhacay Aden Cadde iyo madaxtooyada Hirshabelle ee Baladweyn aanu lagu tilmaami karin kuwoo argigixiso. Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Aamino ay astaan u aheyd codka in dulmiga diidan, sababtaasina ay u dhimatay, isaga oo balanqaaday in shaqadii Aamino uu dhameystiri doono.

Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso dila Aamino oo ay aaminsantahay inuu ahaa mid argigixiso, oo siyaasad dababa ka riixeyso.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa dilka marxuumad Aamino waxaa uu ku eedeeyey Villa Somalia, keena inuu ahaa shirqool ay maleegtay.

Xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaleeceeyey dilka xildhibaan Aamino isaga oo dalbaday in lagu sameeyo baaris degdeg ah.

Xildhhibaan Aamina ayaa intii ay nooleyd waxaa ay sheegtay in Villa Somalia doonayaan inay ka hor istaagaan iney u tartanto kursiga xildhibaanimo.