U bood dhigaalka

Falcelinta Culimada Qaraxyadii Ka Dhacay Soobe iyo Baaqa Loo DirayShacabka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Kadib dhacdadii qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imaanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaa, qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa iyo wasaaradda Owqaafta maalinimadii Jimcaha siyaabo kale duwan uga hadlay, iyagoo siweyn u cambaareeyay falkas.

Ugu horeyn Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Cumlimada sidaweyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo kamid dadkii qaraxa la kulmay, waxaana ku burburay dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar sida lagu sheegay xogaha hordhaca ah.

“War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajooga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga Imaan ku jiro oo ka buuxo inaad Dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kartaa?. Aaaway wixii ku xakamaynayay, aaway Imaankii ku celinayay, aaway cabsidii, Rabi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxadara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad Dhiig Muslim daadiso taxadar qaado” ayuu yiri Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo hadlayay.

Sidoo kale Shiikh Cabdiqani  Suldaan Qorane oo bulshada ku nool  Garoowe kula hadlaayay Majid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsatada ku taageerta lacagaha Al-shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladnimada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga.

“Umadda Nabi Muxamed ( CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faaiido magalo,nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey lamid yihiin, cidda caawisana ma badbaadeyso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab malahan. Toobadkeenbaa la’ idiin ka rabaa, haddaad waxqabanaysaan maad ciidamada kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad waxqabanaysaan dalka dhismihiisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in Umatul Muxamed la’laayo kasab Xaaraan ah waaye ” ayuu yiri Shiikh Cabdiqani Suldaan.

Dhanka akale Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tukaday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, isaga oo hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir  iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hadalka u dhigay Shiikha oo hadlayay.

“Dadkii Saxaabada Gaaleysiiyay, oo yiri Diintii aan idiin ka baranay ayaan idiin ka badinaa, waa qaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii Shalay Cali Ibnu Abii Daalid (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa maanta sheegayan, oo ah Xukunkaa laga tagay, hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii marka. marka  Niman saxaabi ah oo Jannada loogu bishaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, iney wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay” ayuu dhankiisa yiri Shiikh Bashiir Axmed Salaad.

Dhinaca kalw Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda federalka Soomaaliya Salah Sharif Sayid Ali oo khudbad ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay loo baahan yahay in ay kala ogaadaan waxaa yihiin sida uu hadalka u dhigay, isaga oo ku tilmaamay in ay kooxda Al-shabaab leeyihiin  sifaadka kooxdaha Khawaarijta ah oo ka jira meelo badan oo caalamka ah sida uu hadalka u dhigay xilliga uu hadlayay.

” Haddaan fiirino maanta sifaadkaas dhan waa ku tilmaaman yihiin, Xumaatada qaraxii Soobe oo ay ku dhinteed dad 100 kor u dhaafaayo, oo ay ku dhaawacmeen 200 dad kor u dhaafaayo ayaa qof sheeganaayo Muslim ayaa ku faanaayo oo waxaa uu leeyahay Muslimiintaas ayaan baabi’inay. Walalayaal waxaa muhiim ah kooxdaan sifaadkooda iyo diinta waxaa ay ka qabto inaan ogaano waa muhiim, kooxdaan maxaa waaye, Koow Khawaarij waaye, waxwalba oo khawaarij ay sameeyaan waa ay samaynayaan. Kooxdaan Khawaarijta ah ee Soomaaliya aafaysay, waxaa muhiim ah Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee Suniga ah, in ay haldhinac uga soo wada jeestaan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka Owqaaftaiyo Diinta Salah Sharif Sayid Ali.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansoor oo shacabka Caasimadda kula tukaday Masjidka Marwaas ee degmada Xamarweyne ayaa nasiib darro waxaa uu ku tilmaamay in qof warbaahinta uu kaga faano dilka boqaal qof oo Muslimiin ah inuu dlay sida uu hadalka u dhigay.

” Dhibka maanta yaallo waxaa ugu weyn waa dadkaas Muslimiinta ah ee hal maalin la laayay oo si jumlo ah loo dilay oo runtii si naxariis darro ah loo dilay oo haddana lagu faanay oo la leeyahay annagaa samaynay oo sidaas ayaan u yeelnay, runtii tiro intaas la eg oo boqolaal ah in ay dhimatay boqolaal kalena ay dhawacantay, toban iyo dhowrna la la’yahay, waxaan leeyahay dadka nuucaas ah aan uwada midowno aan iska dhicino, aan diidno dulmigooda, imisa caruur ah oo Sabtidii galinkii hore Aabe lahaa oo aan maanta Aabe laheyn, imisa ayaa hooyo lahaa oo aan hooyo la,heyn, waxaan ku celcelinayaa waan iska dhicinaynaa nimankaas” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta .

Culimada hadlka kasoo baxay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo 29-kii October qaraxyadii ka dhacay Soobe  lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo kamid dadkii qaraxa la kulmay, waxaana ku burburay dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar sida lagu sheegay xogaha hordhaca ah ee laga saaray musiibadaas.

Goobjoog News