U bood dhigaalka

Falcelinta Mucaaradka Ee Hadalki Rooble

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble ayaa sheegay in xukuumadiisa ay la wareegtay Hirgelinta doorashada, Amniga doorashada iyo Amniga guud ee dalka .

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaradka oo horay shaki uga muujiyay Awooddaha lagu warejiyay Ra’iisul wasaaraha ayaa xalay soo dhaweyay Hadalki ka soo baxay Rooble , iyadoo qaarkood ay shaki geliyeen in Ra’iisul wasaaraha weli uusan ka madax banaaneyn Villada .

Madaxweynihii dowladdii kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa soo dhaweyay hadalkii iyo Go’aankii howlaha dorashada loogu wareejiyay xukuumadda .

Madaxweyne Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay Xukuumadda , Dowlad goboleedyada iyo Saamileyda siyaasadda dalka in ay isla fahmaan doorashada.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September.

Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd.
Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno. Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Shariif .

Dhankiisha Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Abshir Mohamed Ahmed ayaa soo dhaweyay Talaabada uu Rooble kula wareegay Amniga guud ee dalka iyo kan doorashada .

“Waxaan soo dhaweynayaa kaalinta iyo qorshaha cusub oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kula wareegayo maamulka doorashooyinka, dardargelinta amniga doorashada dalka iyo sidoo kale amniga guud ee qaranka, iyadoo Heshiiska 17 Sebtembar 2020 uu yahay saldhiga laga duulayo.
Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble u rajeynayaa in Alle SWT uu u fududeeyo mas’uuliyadaas adag uuna u guto si xilkasnimo iyo hufnaan ay ku jirto” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga Senator Abshir Mohamed Ahmed.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Hadalka Rooble xalay ka soo baxay, isagoo xusay in ay garab istaagi donaan Dowladda .
“Waa tallaabo soo dhowayn mudan in laga laabtay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee sababay qalalaasaha amni iyo siyaasadeed. Waxaan boggaadinayaa kaalinta Raysalwasaare Rooble uu kula wareegay masuuliyada doorashada iyo amniga dalka. Waxaan u rajaynayaa guul iyo in uu istaago xallinta dhibkii ka dhashay muddo kororsiga oo ay ugu horayso midaynta ciidanka, dhismaha kalsoonida saamilayda siyaasadeed iyo qabashada doorasho wadar-ogol ah, xor iyo xalaal ah. Waxaan diyaar u nahay in aan ku gacan siino, kuna garab istaagno muhimadaas culus.” yuu yiri Siyaasi Abdirahman Abdishakuur Warsame .

Dhinaca kale Xildhibaan Abdirahman Odawaa ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble .

Xildhibaan Odawaa ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri “Waxaan soo dhaweynayaa qorshaha RW Rooble uu ku sheegay in uu ku fulinayo amniga guud ee qaranka.Amniga doorashada iyo kan qaranka laba makala noqon karaan waana ku mahadsanay yahay RW Rooble in uu sidaa u faah faahiyo , si kalsoonida usoo noqoto doorasho cabsi ciidan iyo qalqal aminba ka madaxbanaan dalka uga qabsoonto Ra’iisulwasaare qorshaha aad soo badhigi doonto haka muuqato isbadal la taaban karo.”

Sidoo kale  Xildhibaan Mahad Maxmed Salaad ayaa sheegay in khudbaddii uu ra’iisul wasaaraha xalay jeydiyay ay weli ka muuqato in uusan ka badax banaaneyn Farmaajo.

“Khudbada Rooble waxaan ka fahmay in uusan ahayn qof madaxbanaan lkn wali laga hagayo maskaxda Farmaajo. Abtiyow wali fursad ayaad heysataa ee dib isugu laabo!” ayuu ku yiri Xildhibaan Mahada Qoraal uu soo dhigay Barahiisa Bulshada .