U bood dhigaalka

Fanaan Caan ah oo ay u Dhaxday Gabar Soomaaliyeed oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

David Bowie oo ahaa Fanaan iyo Jilaa caan ah isla markaana ay u dhaxday Gabadha Soomaalida ah ee ku caan baxaday Model-ka iyo dhae faaninta ee Iman Cabdimajid ayaa maanta ku geeriyooday Newyork kadib 18 bil uu la xanuunsanaa Cancer.

Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in uu koray isagoo dhageysanaya heesaha Fanaan caanka ah ee David Bowie..”

David Bowie waxaa uu guursaday Iman oo ah gabar Soomaliyeed oo dharka faanisa 1992, waxay u dhashay gabar lagu magacaabo Alexandria “Lexi” Zahra Jones.

Dhinaca kale Xaaskiisii hore Angie Bowie  oo ka qeyb qaadaneysa barnaamijka Big Brother ayaan la ogeyn in ay ka bixi doonto ama in ay sii wadan doonto, Haweeneydan waxaa uu furay 1980 kadib 10 sano oo ay ila noolaayeen.

David Bowie waxaa uu geeiriyooday iyadoo ay la joogaan dhamaan qoyskiisa, sidaa waxaa lagu sheegay war saxaafadeed lasoo saaray, waxaa Albumkiisii ugu dambeyeeyay soo saaray, waxaa uu ka koobnaa 7 hees.

Goobjoog News