U bood dhigaalka

Fanaan Cawaale Aadan Oo Hees Soomaali Ah Uga Qeybgalaya Tartan Faneedka Afrika (Wareysi Gaar Ah)

Sheeko:Dalka

Cawaale Aadan waa wiil da’yar oo ah fannaan Soomaliyeed waxaa uu ka qeyb galayaa  tartan faneedka Africa ee sanadkiiba mar loo qabto fannaaniinta qaaradda Africa.

Goobjoog FM oo wareysi gaar ah la yeelatay waxa uu sheegay in guushiisa ay ku xirantay codeynta bulshada soomaliyeed iyo Soomalida fankiisa jecel.

“Tartankan waxaa lagu qabanayaa dalka Namibia waa markiisii 12-aad ee la qabto 11-jeer ayuu horay u dhacay sanadkii 12-aad ayuu hadda marayaa  ,waana  tartanka ugu weyn ee fannaaniinta Africa ay ku tar tamaan ee loo qabto.

Midda kale tartan fanneedka adduunka ka dhaca sanadkiiba mar ayuu tartankan 3aad  ka yahay laba tartan faneed ayaa ka weyn isaguna waa 3aad.

tartan faneedkan waxaa loogu talagalay inay ka qeyb galaan 54 dowladood oo Africa ah waana tartan faneed isku soo uruurinaya fannaaniinta ugu magaca weyn Africa, aniga ilaa shan fannaan ayaa ila tartamayo  oo 12 dal ayaa fannaaniintooda la isku geeyey kadibna laga soo xushay lix fannaan oo anigu aan ku jiro

Markii 1aad 56 fannaan ayaa miiska saarnaa kadib waxaa laga xushay illaa 6 fannaan oo aniga aan ka mid ahay , ayaga ayaa isoo email gareeyey oo iisoo dhigay fariinta ah inaan nasiib u helay ka qeyb galka tartanka farxad ayey ii tahay micno weyn ayeyna u samaynaysaa Soomaliya inaan tartan faneedkaa ka qeyb galayo oo aan guul kasoo hooyo.

Aniga tartankan waxaa iiga horreeyey fannaanka weyn ee Keynaan Cabsi Warsame oo laba jeer horay uga soo qeygalay  tartanka isaga oo ku heesayey afka englishka ah walow markaas uu ka qeyb galayey tartanka aysan jirin cid ogeyd oo sida hahda kan loo shaacinayo aan loo shaacin waayoo aaladahan xilligaas ma jirin

wax yaabaha xiisaha leh waxaa ka mid ah waxaan ahay fannaankii ugu horeeyey ee tartan faneedkan Africa kaga qeyb galaya hees uu Soomaali ku qaadayo runtii taasna micno weyn ayey ii samaynaysaa inaan afkayga ku heeso.

Tartan faneedkan qaabka loo codeynaayo waxa weeye in lixda fannaan ee aan ku jiro ee tartankan ka qeyb galaya fannaan walba dalka tartanka uu ka dhacayo laga siiyey teleefoon gaar ah iyo ciwaan  gaar ah oo loogu talagalay in dadku ay ugu soo codeeyaan halkaasna lagala socdo codadka fannaanka uu helay kii ugu cod badnaado ayaana hananaya guusha tartanka

Aniga dadkayga Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan ayey iiga soo codeyn karaan  waddan walba oo ay ku sugan yihiin.

Aniga waxaa la iigu soo codeynayaa waxaa jira telkan +248984000 oo la iga siiyey dalka uu tartanka ka qabsoomayo iyo ciwaanka magacayga ka turjumaya  KORA14—qofka doonaya inuu ii codeeyo halkaa ayuu iigu soo dirayaa codkiisa isaga oo adeegsanaya telka uu haysto qeybta SMSka ayuu kusoo qorayaa KORA14 telka ayuuna ku soo dirayaa sidaas ayuuna ku codeeyey qofkaas

Aniga  si tartankaa aan kaalinta Koobaad uga galo waxaan u baahanahay inaan helo codeynta bulshada Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo Soomalida jecel fankeyga”

Tartankan waxaa uu soconayaa Bisha 3aad 20 keeda inta ka horeysa waa la codeyn karaa inuu fannaanku guulaystaana waxay ku xirantahay hadba codadka uu helo fannaanka  kaliya codadka ayaa loo  xisaabinayaa shacbiyadda uu fannaanku lee yahay ayeyna  ku xiran tahay

Rajadeydu ma xumo aniga ka Cawaale Aadan ahaan  waxaan isleeyahay waad guulaysan haddii bulshada Soomaliyeed ay codkooda i siiyaan oo ay I garab taag naadaan ” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Cawaale Aadan

Goobjoog News

W/D: Farxiya Cabdalla Muumin