U bood dhigaalka

Fanaan Si Iskiis Ah Xeebta Liido Ugu Madadaaliya Boqolaal Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Waa abaare 8: 30 (Labo Saac iyo Bar Fiidnimo) waqtiga magaalada Muqdisho, Xeebta Liido ayaan ku sugnaa aniga iyo koox wariyayaal ah oo igala tirsan GoobjoogFM .

Waxa ay ahayd maalin dheer oo shaqo ah kadib , waxaa noo dalbanaa Cabitaan , Shaah iyo cunnooyinka fudud.

Mar qura ayaa waxaa na soo galay cod dabacsan oo kaban ku laran, waxaa labadaba ka dhawaajinayay Aways Sheikh Nuur oo ay dhiiragelinayaan wajiyo faraxsan oo maaweeladiisa nasiino ka dhiganayay.

Aways Sheikh Nuur waa nin da’ dhexaad ah waxa uuna u go’ay qancinta macaamiisha qaar ka mid ah Hotellada Muqdisho taas oo hadda noqotay shaqadiisa 1,Aad.

Maqaayaddan ku taalla Xeebta Liido ayuu habeenada khamiista iyo Jimcaha si joogta ah uga tumaa heesaha iyadoo ay u daawasho imaadaan boqolaal dad ah , lana dhacsan habka xirfadaysan ee uu iskula helayo kabanka iyo codka .

“ Anigu runtii ma ahi fannaan , hase ahaatee waxaan ahay nin jecel inuu qaado heesaha mana jirto caqabad aan arrintan kala kulmay , Run ahaantii howshan waxaan bilaabay 2,sano ka hor waqtigaas oo aan ogaaday in aan heesi karo kadib markii la igu casuumay mid ka mid ah idaacadaha Magaalada inkasta oo aanan lahayn hees ii gaar ah ” Aweys ayaa sidaasi yiri

Madadaaliye Aways ayaa ii sheegay in muddo 2,sano ku dhow uu wado howshan , dadka soo booqda hotelladdan ku yaalla xeebtana ay aad u jecel yihiin inay dhagaystaan heesaha uu qaadayo.

“Dadku aadbay ii dhiirigeliyaan , xaqiiqdii taasi waxay I dareensiinaysaa in aan ahay qof mustaqbal wanaagsan uu horyaallo waa haddii aan anigu dadaal dheer bixiyo oo aan ku wada guulaysto qancinta macaamiishayda hotelladan , Nolosha reerkayga halkan baan ka maareeyaa waxaan ahay aabbe ay u joogaan dhowr caruur ah , kiro laga sugayo , nolol maalmeedkii kalana uu u dheeryahay marka waxaa hubanti ah in dadaal dheer ay tahay inaan sameeyo.

Aways Sheikh Nuur oo aan ahayn Fannaan qaada heeso uu leeyahay ayaa haddana qanciya dadka daawanaya iyo kuwa dhagaystaba , wuxuu adeegsadaa luuqadda jirka isagoo matalaya hadba dareenka ay heestu xambaarsan tahay .

Tusaale ahaan haddii heestu ay tahay mid degan oo murugo leh , wajigiisa waxaad ka dheehan kartaa murugo .

Waxaan waydiiyay sida sidaas uu u sameeyo wuxuuna yiri “ Waxay u baahan tahay in aad dareen ku ceshato dadkaasi haddii aad inta kabanka qabsato hees iska qaado yaa ku dhagaysanaya , sida radio oo kale baa lagu baqtiinayaa, laakiin haddii aad suurayso oo aad hadba doc isku rogto waxaa hubaal ah in la jeclaanayo fankaaga.

Rajo badan ayuu ka qabaa Aways inuu noqdo nin heer sare ka gaara kaban garaacista .

Wuxuu jecel yahay in mar noloshiisa uu Soomaaliya ku matalo tartamada caalamiga ah ee dunida ka dhaca waxaase muuqan taageero qofeed oo uu helayo ninkan .

Kama tirsana koox faneed oo Muqdisho ka dhisan wuxuuna ii sheegay inaysan jirin xiriir lala soo sameeyay iyo mid isagu uu sameeyayba .

Si kastaba waxa uu Aways Sheikh Nuur uga duwan yahay Fannaaniinta kale ayaa ah in uu isagu si toos ah u qaado heesaha maadaama fannaaniinta dhawaanahan soo baxay ay ku qaadaan heesaha waxa loo yaqaan Play Back oo ah hees horay loo soo duubay oo uu fannaanku jilo marka uu masraxa soo koro.

W/Q: Munasar Maxamed Cabdi

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News