U bood dhigaalka

Khadra Daahir Cige oo Geeriyootay

Sheeko:Amniga

Allah unaxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanada caanka ah Khadra Daahir Cige, taas oo kamid aheyd fanaanitii barisamaadkii dalkeenna aadka looga jeclaa, marka lajoogo golaha murtida iyo madadaalada.

Marxuumadda ayaa tan iyo dabayaaqadii bishii June ku xanuunsaneyd isbitaan ku yaalla magaalada Hargeysa, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdeeda caafimaad, iyadoo ugu dambeyn caawa  ku geeriyootay gudaha Isbitaalkii ay ku jirtay Khadra.

Khadra oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatya waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda aad loogu jecel yahay marka Iskuullaadka la xirayo.

1970-kii ayay Khadra Daahir Cige sameysay ruwaayaddeedii ugu horeysay oo ay ka dhigta Iskuulka Farsamada ee Hargeysa, waxaana ay si rasmi ah Ruwaayadda ula sameysay Hobollada Waaberi ruwaaddii la oran jiray “DAB JCAEYL KARI WAA

Marxuumad Khadra ayaa waxaa ay qaaday heeso badan kuwaas oo aad looga jecel yahay gayiga Soomaalida si weyna dadku ay u dhageystaan, waxaana kamid ahaa Albumkii Mahigaan, kaas oo ay ku jireen dhowr, sida ISHA SACABKA MARI.

Goobjoog News