Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanadii caanka aheyd Shamso Maxamuud Xirsi oo loo yaqaan (Shamso Daadsan ) oo muddooyinkaan dambe xanuunsaneyd.
Shamso ayaa salaaddii  Jimce Kadib ku geeriyootay hoygeeda oo ku yaalla Ex-fiyoore ee Degmadda Waardhiigley ee gobolka Banaadir, waxaana ay kamid aheyd Hoboladda Qaran ee Waaberi .
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda federalka Cabdullahi Xayir Ducaale oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuumad shamsa maxamuud xirsi Daadsan.
Goobjoog News