U bood dhigaalka

Fanaaniin Dhawaan Muqdisho Ku Qabtay Bandhig Faneed Oo Lagu Xiray Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliiska ee maamulkaasi ay xabsiga dhigeen Afar Fanaan oo habeenkii Ciidda magaalada Muqdisho ku qabtay Bandhig Faneed.

Fanaaniinta la xiray ayaa kala ah:-

  • Maxamed Axmed Bakaal (Cirro)
  • Xamdi Queen
  • Nimcaan Hilaac
  • Cabdiraxmaan Oday

Fanaaniintaan ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa, iyadoo sababta ugu weyn ee loo xiray lagu sheegayo arrimo ku aadan safarkii ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen.

Taliska Booliiska Somaliland weli ma aanay faah faahin uljeedka rasmiga ah ee loo xiray fanaaniintaasi.

Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ah gudoomiyaha Kooxda Xidigaha geeska ee fanaaniintani ka tirsan yihiin ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin xariga loo geystay Afarta Fanaan.

Somaliland oo sheegta in Soomaaliya inteeda kale ka go’een ayaa inta badan xabsi dhigta siyaasiyiinta ama fanaaniinta yimaada magaalada Muqdisho ama meello kale oo ka mid ah gobalada Koonfureed ee dalka.

Goobjoog News