U bood dhigaalka

Fanaaniintii Ku Xirnaa Magaalada Hargeysa Oo Maxkamad Lahor Geeyay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta waxaa la horgeeyay Afar Fanaan oo ka tirsan kooxda xidigaha geeska, kuwaasi oo loo xiray Bandhig faneed ay magaalada Muqdisho ku qabteen awgeed.

Markii maxkamadda la horgeeyay ayaa la sheegay in maxkamaddu ay Booliiska ka weysay dacwad sax ah oo ku aadan dambiga dadkaan lagu haysto.

Faaniinta kala ah Axmed Cirro, Nimcaan Hilaac, iyo C/raxmaan Oday ayaa maxkamadda la geeyay iyaga oo gacmaha ka xiran, halka Xamdi Queen aan gacmaha laga xirin.

Axmed Dalmar Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gobalka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa sheegay in maxkamadda aanay qaban karayn muwaadiniin aan la ogeyn waxa lagu dacweynayo.

Gudoomiyaha ayaa u sheegay Booliiska in laga doonayo inay keenaan cadeymo sax ah, islamarkaana la geli karo qaadista dacwadda loo haysto fanaaniinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiye Axmed Dalmar in Booliiska laga doonayo cadeyn sax ah, iyo in sifo sharciga waafaqsan ay eedeysanayaasha maxkamadda u keenaan.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa dib ugu celiyay Afarta Fanaan xabsiga Hargeysa, halkaasi oo ay ku ahaanayaan maxkamad sugayaal.

Fanaaniintaan ayaa habeenkii Ciida waxa ay magaalada Muqdisho ku qabteen bandhig faneed, iyadoo markii ay dib ugu laabteen Hargeysa xabsi loo dhaadhiciyay.

Xarigaan waxaa aad uga carooday shacab badan oo Soomaaliyeed, iyo sidoo kale fanaaniin, waxaana loogu baaqay maamulka Somaliland in uu dib xurriyadooda usiiyo fanaaniinta ay haystaan.

Goobjoog News