U bood dhigaalka

FAO: Soomaaliya, 7-badii Sano Ee Lasoo Dhaafay ilbiriqsi Kasta Waxaa La Jarayey Hal Geed

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir caalami ah oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa adeegsiga iyo ka ganacsiga dhuxusha iyada oo laga cabsi qabo in jarista geedaha iyo iibka dhuxusha ay keento cimillada oo xumaata iyo maalgelinta argigixisada.

Shirkan oo labo maalin socon-doonna, waxaa ka qeyb-galaayo dowladda federaalka ah iyo hey’ado caalami ah,  waxaana la raadinayaa in jawaab loo helo ka ganacsiga sharci-darrada ee dhuxusha.

Sida ay sheegeyso hey’adda cuntada adduunka FAO illa 8.2 million oo geed oo dhuxul ah ayaa laga jaray Soomaaliya intii u dhaxeysay  2011  iyo2017, muddada 7-badaas sano ah halkii  ilbiriqsi oo kasta waxaa la jaraayey hal geed.

Hey’adda FAO,   waxaa ay ku doodeysaa in arrintan ay keentay in dhir badan la jaro oo dalka ay ka dhacaan abaar iyo fatahaado. FAO  waxaa ay sheegtay in meelaha ugu badan ee dhuxusha laga jaro ay ku yaallaan Jilib ilaa xadka Kenya, waxaana laga dhoofiyaa dekado ay ku jirto midda Kismaayo.

Inkasta oo Dhuxusha ay Qaramada Midoobey saartay cuna-qabateyn hadana waxa loo dhoofiyaa dalal uu Imaaraadka ka mid yahay.

Goobjoog News